Caalamka oo wajahaya xasarad kalkaaliyayaasha caafimaadka ah

0
185

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Warbixin cusub ayaa ka digaysa in caalamka uu wajahayo xasarad dhanka kalkaaliyayaasha caalamka ah, taasoo uga sii dari karta hannaanka caafimaadka adduunka ee uu saameynta ba'an ku yeeshay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Warbixinta oo ay wadajir u soo saareen Golaha Caalamiga ah ee
Kalkaaliyayaasha, iyo Xarunta Caalamiga ah ee Socdaalka Kalkaaliyayaasha
ayaa lagu sheegay in xasarada ay soo billaabatay ka hor inta uusan dillaacin
xanuunka, balse uu uga sii daray.

Waxa ay labada urur ku baaqeen in si degdeg ah wax looga qabto arrimaha ay
kamidka yihiin dhaqaalo yarida haysata hawlwadeennadaas caafimaadka, in
tiradooda la badiyo iyo in lala tacaalo saacadaha badan ee ay shaqeeyaan.
Xanuunka safmarka ah ee Covid-19 ayaa culays xooggan saaray guud ahaan
hannaanka caafimaadka ee adduunka oo dhan.

Kalkaaliyayaasha oo ah kuwa saacadaha ugu badan iyo kharash yar uga
hawlgala xarumaha caafimaadka, ayaa waxa ay ilaa haatan yihiin difaaca
koobaad ee u taagan la tacaalidda cudurka.Qaar badan oo kamid ah ayaa
markii uu billaabanayay xanuunka u bareeray khatartiisa, oo xitaa waxa ay
shaqeyn jireen iyaga oo aan haysan qalabka difaaca jirka.

Dalalka soo koranaya, inta badan kalkaaliyayaasha caafimaadka ayaan weli helin tallaalka Covid-19.

Golaha caalamiga ah ee kalkaaliyayaasha ayaa sheegay in culays badan ay
wajaheen hawlwadeennadaas caafimaadka.Culaysyadaas isbiirsaday ayaa waxa
ay dhaliyeen in qaar badan oo kamid ah kalkaaliyayaasha ay u wareegaan
xirfado kale Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay xitaa waddamada horumaray.

Tusaale ahaan dalka Switzerland, boqolkiiba 10 kalkaaliyayaasha caafimaadka ayaa
shaqada ka fariistay tan iyo markii uu bilowday xanuunka Covid-19.

Warbixinta maanta soo baxday ayaa lagu sheegay in caalamka uu u baahan yahay 13
milyan oo kalkaaliyayaal cusub ah tobanka sano ee soo socda.

Qaabka keliya ee lagu baajin karo in xasaradan ay sii xumaato ayay warbixinta sheegtay inay tahay dejinta qorshe toban sano ah oo lagu wanaajinayo tababarka iyo
mushaarka hawlwadeennadaas caafimaadka.Warbixinta ayaa sidoo kale ka
digtay in dalalka horumaray ay soo qaataan kalkaaliyayaasha ku nool dalalka
saboolka ah, taa bedalkeena ay mudan yihiin in hawlwadeennadaas lagu
daryeelo dalalkooda.