Maamulka Deegaanka Dhoobley oo bulshada uga digay in qashinka lagu tuuro wadooyiinka

0
229

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dhawrista iyo kor u qaadida bilicda degaan waliba ayey micnaheedu tahay in bulsho kasta ay hormar balladhan ku tallabsanayso, Sidokale in laga ilaaliyo ku tuurista qahinka sida micno darada ah logu tuurayo agagaarka wadooyiinka muhiimka ah  waxay ka hortagaysaa in qashinkasi waxyeelo u geysto dadka iyo sido kale xolahaba.

Hadaba qaar kamid ah bulshada degaanka dhoobley ayaa gestooda ka hadlay ku dadaalista nadaafada degaanka iyoo doorka kaga aadan.

Dhanka kale Gudoomiyaha deegaanka dhoobley siyaad mohmed Hassan ayaa ugu baaqay bulshada degaanka in si wadajir ah loogu wada shaqeeyo nadaafada degaanka qof waliba door weyn ka qaato si bilicda deegaanka u noqon lahayd mid wanaagsan.

Fardowsa Axmed Cabdi ayaa ka warramaysa