Taleefoonnada casriga oo saamayn ku yeeshay dhalinyarada ku Shaqeysta sawir qaadista.

0
382

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dhalinyarada leh xirfadaha kala duwan ee ku nool Magaalada Dhoobley ayaa kala ah qaar ka soo baxay Jaamacadaha dalka iyo kuwa wali aan heer wanaagsan ka gaarin waxbarshada, hadana waxa ay u Muuqdaan in ay kawada simanyihiin qaabka ay uraadinayaan sidii ay nolol maal-meedkooda uga saari lahaayeen xirfadahaasi kala duwan.

Waxaa jiro dhalinyaro ku shaqeeysta xirfadda sawir qaadista oo ku nool Magaalada Dhoobley kuwaas oo noloshooda ka dabara Sawir qaadida balse mudooyinkan dambe waxaa isasoo tarayay oo suuqyada lagu iibiyo taleefonada lagu arkayay taleefoona casri ah oo inta badan dhalinyarada isticmaalaan.

Taleefoonnada casriga ah ayay sheegeen dhalinyarada sawir qaadista ku shaqeeysta in ay saameeyn ku yeesheen shaqadooda maadaama dhalinyarada waayahan dambe u adeegsadaan sawiradda in ay iskaga qaadaan Taleefoonnada casriga ah.

Khadar Axmed Salaan.ayaa warbixintan ku egeya