Gudoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada oo ka warbixiyey kormeer uu ku sameeyey xarunta dowladda hoose.

0
240

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Gudoomiyaha dagmada Kismaayo ahna duqa magaalada Mudane Cumar Cabdullaahi Maxmed (Faraweyne)  ayaa  kormeer guud ku sameyay xarunta dowladda hoose ee degmada Kismaayo iyo sida ay u shaqeyso.

Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ayaa howlwadeenada degmada ugu baaqay in si wanaagsan loogu shaqeeyo bulashada, loona cadaalad falo inta ay shaqadu socoto.

Kormeerka kadib Gudoomiyaha dagmada Kismaayo ahna duqa magaalada mudane Cumar Cabdullaahi Maxmed ayaa kulan la qaatay maamulada shanta xaafadood ee magaalada Kismaayo iyo Shirkadda qashinka qaada ee Waamo, kulankan ayaa looga hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarinta iyo bilic soo celinta magaalada Kismaayo.

 

Naxwo Axmed Kadiye.ayaa warbixintan ku egeysa.