Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka wasaaradda cadaaladda, awqaafta iyo arrimaha diinta Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar ayaa Maanta iclaamiyay dibadbax roobdoon ah, kaas oo lagu qabanayo Magaalada Kismaayo.
Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Maalinta Berito oo Isniin ah banaanbaxa roobdoonka ah lagu qaban doono Kismaayo, isaga oo bulshada reer Kismaayo ugu baaqay in ay isku soo baxaan oo si wanaagsan uga qayb qaataan roob doonka, loona baahan in Eebbe la waydiisto in uu bulshada ka dul qaado abaarta.
Roob doonkan uu iclaamiyey Wasiirka Cadaaladda, awqaafta iyo arrimaha diinta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku soo beegmaya xili ay abaaro ka jiraan qaybo ka mid ah deegaanada Jubbaland, taas oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.






