Dowladda Turkiga oo bad-baadiyay tahriiba yaal badan.

0
503

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ciidamada ilaalada xeebaha Turkiga ayaa badbaadiyay 95 ruux oo magangalyo doon ah,ka dib markii ilaalada xeebaha Giriigga ay si qasab ah dib ugu soo celiyeen biyaha badda Turkiga ee Aegean Sea,sida ay xaqiijiyeen  ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo soo baxay maanta.

Ilaalada Xeebaha Turkiga ayaa badbaadiyey 21 magangalyo doon ah oo ku jiray biyaha badda ee Aegean,halka 74 muhaajiriin oo kale laga soo badbaadiyay degmada Foca ee gobolka Izmir, kadib markii ay dib u soo celiyeen Ilaalada Xeebaha Giriigga.

Turkiga ayaa marin muhiim ah u ahaa tahriibayaasha  doonaya inay u gudbaan Yurub si ay u helaan nolol cusub, gaar ahaan kuwa ka soo cararaya dagaallada iyo cadaadiska. Dalka Turkiga waxa uu  horey u martigeliyay 4 milyan oo qaxooti ah.