Liverpool ayaa safkeeda ku soo xoojisay saxiixeeda cusub reer France ee Ibrahima Konaté, kaasoo ay kaga soo qaadatay naadiga RB Leipzig adduun lacageed dhan 36 million pounds.
Halyeeyga Liverpool Markus Babbel ayaa usheegay shabakada caalamiga ah ee Goal:
“Aniga ahaan, dhibaatada jirta ayaa waxay tahay in Liverpool ay tahay kooxda kaliya England ah ee heysata dhibaato dhanka qarash gareynta.”
“Chelsea waxay dooneysaa inay 150 million pounds ku qarashgareyso Erling Haaland, Manchester Cityna waxay dooneysaa inay lacag badan ku qarashgareyso ciyaartoyda, laakiin Liverpool waa kooxda kaliya ee eegta xaalada dhaqaale.”
Intaas kaddib Halyeeyga Liverpool Markus Babbel ayaa wuxuu ka hadlay fursada ay Reds u heysato inay ku guuleysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, wuxuuna yiri:
“Waxay ku guuleysteen Champions League iyo Premier League, waxaan u maleynayaa inay fursad weyn u heystaan sanadkan inay kusoo laabtaan oo ay ku guuleystaan horyaalka.”