Nin xoolo uu lahaa beylihiyay oo lagu xukumay 9 bilood oo xabsi ah.

0
249

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Nin u dhashay dalka New Zealand ayaa lagu eedeeyay inuu si xun ula dhaqmay ari uu lahaa kaddib markii 226 neef oo ka mid ah xoolahaas lagu qasbanaaday in lagu laayo irbad maadaamaa ay aad u caatoobeen.

Xoolaha ayaa la sheegay inay ka muuqatay nafaqo-darro baahsan iyo inay xanuunsanaayeen, kaddibna waxaa lagu duray cirbad si loo dilo.

Bevan Scott Tait ayaa qaatay eedda loo soo jeediyay inkastoo kooxihii difaaceysay ay sheegtay inuu la daalaa dhacayo isku buuq isla markaana uusan helin taageero ku filan.

Maalintii shalay ahaydna, waxaa lagu xukumay sagaal bilood oo xabsi guri ah iyo 150 saacadood oo shaqo danta guud ah, isagoo la mariyay Xeerka Daryeelka Xayawaanka.

Waxaa sidoo kale laga mamnuuci doonaa in muddo sanado ah uusan dhaqan wax xoolo ah.

Arrintan ayay mamaulku ogaadeen kaddib markii dhaqaatiirta xoolaha ay xerada uu xolaha ku dhaqanayay Mr Tait oo ku taalla deegaanka Russock Creek ee Jasiiradda Koofureed ku arkeen dhowr Ido oo dhintay, bishii April 2019.

Xoolihiisa kale ayaa waxaa ka muuqday calaamo nafaqo-darro ah iyadoo qaarkoodna ay qabeen caabuq, iyo daryeel xumo.

Dhaqaatiirta xoolaha ayaa ku wargeliyay beeralleyga inuu wax ka qabto arinta, balse bishii August ee isla sanadkaas oo ay mar kale booqdeen ayay arkeen inay xaaladdu ka sii dartay.

Taas ayaa waxay keenya in cirbad lagu dilo ilaa 226 Ido ah. Xoolaha intooda kale ayaa laga iibiyay xoolalley kale.

“Waa xaq in la dhoho in dembiga noocan ah uu yahay mid dhif ah,” ayuu yiri maamulaha daryeelka xoolaha ee wasaaradda xoolaha dalkaas, Gray Harrison.

“Inta badan beeralleyda waxa ugu wanaagsan xoolahooda ayay sameeyaan, halka dayacaadda Tait uu dayacay xoolihiisa ay tahay wixii ugu xumaa ee muddo aan aragno.”

Qareenka Tait ayaa ku dooday in bilo kahor dhacdadaas, ay waaxda taageerta reer-miyiga ay la xiriireen beeralleyga ayna arkeen inuu caawinaad u baahan yahay balse ay ku guul darreysteen inay caawiyaan.

Intii ay u sheegi lahaayeen inuu arrinta wax ka qabto, waxay ahayd inay caawiyaan, ayuu ku dooday qareenka.

Dhaqashada xoolaha ayay ku tiirsan yihiin dad badan oo ku nool New Zealand waxaana dalkaasi ku nool 26 milyan oo Ido ah, iyadoo bulshada dalkaasina ay garayaan qiyaastii shan milyan oo qof.