Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle oo guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda Baladweyne u magacaabay Cabdiraxmaan Diini Maxamed

0
172

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda  Baladweyne u magacaabay  Cabdiraxmaan Diini Maxamed oo ka mid ahaa saxafiyinta ka howlgala magaalada Baladweyne.

Maxamed Cali Caadle ayaa wareegtadan uu soo saaray ku sheegay in magacaabistan looga gon lee yahay dardargelinta howlaha magaalada Baladweyne.

“Kadib markuu arkay baahida loo qabo dardar gelinta howlaha shaqo ee magaalada Baladweyne,markuu la tashaday madaxda sare ee dowlad Goboleedka Hirshabelle, Wasirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee Hirshabelle waxa uu u magacaabay Cabdiraxmaan Dini Maxamed Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda degmada Baladweyne,dhammaan Hey’adaha amniga iyo Shacabka waxaa la farayaa in ay la shageyaan mas’uulkaan, la magacaabay si uu u guto waajibaadkiisa shaqo.”ayaa lagu yiri wareegtadan uu soo saaray wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.

Cabdiraxmaan Diini Maxamed ayaa muddo ku dhow 20 sano ku soo dhax jiray howlaha warbaahinta isagoo hadda ka shaqeynayay webka Hiiraan Online.