“Waxaan Filayaa Inay Tahay In Wan-Bissaka Kasoo Hormaro James, Goolhayuhuna Ha Noqdo….” Deeney Oo Tababare Southgate Kala Taliyay Shaxdiisa Euro

0
311

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kabtanka kooxda Watford ee Troy Deeney ayaa shaaca ka qaaday sida uu u doonayo in daafaca midig ee kooxda Manchester United ee Aaron Wan-Bissaka uu booska kaga hormaro dhigiida Chelsea ee Reece James tartanka euro ee xagaaga dhacaya xilli uu sidoo kale ka aragti dhiibtay booska goolhayaha oo su’aali ka taagantahay.

Tababaraha England ee Gareth Southgate ayaa ah mid shaqo uga taagantahay doorashada booska daafaca midig iyadoo sidoo kale Kyle Walker, Kieran Trippier iyo Trent Alexander Arnold ay booska kula tartamayaan AWB iyo James.

England 'must play Aaron Wan-Bissaka over Reece James at Euro 2020', argues Troy Deeney

James ayaa kusoo bilawday kulankii uu xulka England 5-0 kaga adkaaday dhigiida San Marino kahor inta aan lagu bedelin Trippier ciyaartii 0-2 kusoo dhammaatay ee xigtay halka Kyle Walker uu inta badan doorka daafaca dhexe uga ciyaaro xulashada Southgate.

Wan-Bissaka ayaa hore looga wacay xulka qaranka England balse aan marnaba kahoos ciyaarin tababare Southgate, Troy Deeneya ayaa aaminsan inuu yahay dookha ugu fiican ee xulka lagu naanayso saddexda libaax ay u haystaan daafaca midig.

Deeney oo talkSPORT la hadlayay ayaa yidhi “Maaha arrin shaqsi ah, kaliya waa aragti, uma malaynayo inay tahay in Reece James uu kahor maro Wan-Bissaka, uma malaynayo inay ahayd inuu safkan kamid noqdo kana horgalo Wan-Bissaka”

“Isagu markasta shaxda uguma soo bilawdo Chelsea, taasi waa (Sabab) muhiim ah, laakiin waxaan filayaa inuu Wan-Bissaka fiican yahay daafac ahaan”

“Waxaan ku taageerayaa (Booska daafaca midig Wan-Bissaka) ama Kyle Walker sababtoo ah isagu waa mid aad u dheereeya, laakiin waxaan dooran lahaa Wan-Bissaka”

Deeney ayaa sidoo kale ka hadlay madax-xanuunka Southgate ka haysta doorka goolka waxaana uu doortay shabaq ilaaliyaha Burnley ee Nick Pope oo uu u arko mid uu xasilooni badan ku dareemo.

“Waan ogahay in farsamo ahaan Pickford uu yahay midka koowaad, laakiin xasilooni intaas ka badan ayaan ku dareemaa marka uu Pope goolka ku jiro”