Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kulamo ka tirsan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ayaa maanta iyo caawa la ciyaari doonaa, waxaana ay kala yihiin, Premier League, La Liga, Serie A, iyo Bundesliga dalka Jarmalka, xilli wax kulan ah aan maanta ka jirin horyaalka Ligue 1 dalka France.
Kooxaha Arsenal, Barcelona, Juventus, Bayern Munich, Borussia Dortmund iyo Leicester City ayaa ka mid ah kooxaha maanta iyo caawa ciyaari doona horyaalladooda.
Horyaalka Premier League waxaa ugu madax fiiqan kulanka ay wada dheeli doonaan kooxaha Burnley vs Arsenal, & midka ay Leicester City booqan doonto kooxda Brighton.
Horyaalka La Ligaha Spain kulanka ugu weyn caawa waa mid ay Kooxda Osasuna soo dhaweyn doonto Barcelona, halka horyaalka Bundesliga ay Bayern Munich caawa fiidkii ay soo dhaweyn doonto naadiga Borussia Dortmund.
Dhinaca kale horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa soo dhaweyn doonta Naadiga Lazio.