Horudhac: Manchester United  vs Watford… (Red Devils oo rajaynaysa inay waddada guusha dib ugu soo laabato kulanka caawa ka dhacaya Old Trafford)

0
206

Red Devils, kuwaasoo guuleystay koobkoodii 12-aad ee FA Cup sanadkii 2016-kii ayaa la dhibtoonaya guuldarro ka so ogaartay Manchester City Arbacadii afar dhammaadka tartanka EFL Cup-ka.

Dhanka kale Kooxda Watford ayaa soo geli doonta kulankan iyagoo guuldarro 2-1 ay ka soo gaartay Swansea City 02 bishan Janaayo tartanka Championship-ka.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – FA Cup

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: Old Trafford

Wararka kooxaha:-

Weeraryahan Odion Ighalo ayaa u safan kara Manchester United kulanka ay caawa ka horjeedaan kooxdiisii hore ee Watford wareegga saddexaad ee tartanka FA Cup-ka.

31-sano jirkaan Ighalo ayaa kaliya ciyaaray afar kulan xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu ku jiraa shaxda kulanka ka dhacaya Old Trafford.

Xiddiga amaahda ah ee James Garner ayaa u ciyaari doonin caawa Watford, maadaama ay wajahayaan kooxda milkiyaddiisa iska leh.

Si kastaba ha noqotee, daafacii hore ee Man United Craig Cathcart iyo weeraryahan Joao Pedro ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxda ka dheesha Championship-ka, kaddib dhaawacyo muruqa ah oo ay la maqnaayeen.

Domingos Quina, Isaac Success iyo Stipe Perica ayaan la heli karin, maadaama ay kor u qaadayaan soo laabashadoodii muruqa, halka Christian Kabasele ay u muuqato inuu seegi doono kulankiisii saddexaad, maadaama uu qabo dhaawac dhibaato jilibka ah.

United kaliya waxaa ka maqan weeraryahankooda Edinson Cavani iyo daafacooda Phil Jones.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Donny van de Beek, Goolhaye Dean Henderson iyo daafaca Axel Tuanzebe ayaa ka mid ah kuwa la filayo inay ku lug yeeshaan kulankan oo ay wax badan ka bedeleen kooxdii ay garaacday Manchester City semi-finalka Carabao Cup.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Manchester United ayaa badisay saddex ka mid ah afartii kulan ee FA Cup ay la ciyaareen Watford, iyadoo kulankaan uu ahaa kii ugu horreeyay ee ay ka horyimaadaan Hornets tan iyo markii ay 4-1 kaga badiyeen semi-finalka sanadkii 2007.

>- Watford ayaa laga badiyay sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay ee ay marti u ahaayeen Man United, waana guul la’aan 13-kii kulan ee ugu danbeeyay tan iyo markii ay 2-1 kaga badiyeen League Cup bishii October ee sanadkii 1978-kii.

>- Man United ayaa ka soo gudubtay 33 ka mid ah 35-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ciyaareen wareegga 3-aad ee FA Cup, inkastoo labada guuldarro ee xilli ciyaareedka ah ay yimaadeen kulamada gurigooda (2009-10 oo ay wajaheen Leeds iyo 2013-14 ay la ciyaareen Swansea).

>- Marka laga reebo kulammada markii ay ahaayeen koox Premier League ah lafteeda, Watford ayaa laga reebay 10-kii kulan ee FA Cup oo ay la ciyaartay kooxaha ka soo horjeeda tan iyo markii ay 1-0 kaga badiyeen Sunderland bishii Febraayo ee 2003.

>- Manchester United ayaa guuleystay 14 ka mid ah 16-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Kooxda Watford tartammada oo dhan.

>- Man Utd ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay shan ka mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajaheen Watford dhammaan tartammada kala duwan.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-