Liiska xiddigaha Real Madrid uga qeyb galaya kulanka Osasuna oo la shaaciyey… (Miyuu dib u soo laabtay Sergio Ramos?)

0
486

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Waxaa la shaaciyey liiska xiddigaha Kooxda Real Madrid uga qeyb galaya kulank Osasuna, iyadoo Los Blancos dib u heshay Kabtankeeda.

Kaddib markii uu xanuun dhanka caloosha ah ku seegay kulankii kooxdiisa Real Madrid la ciyaartay Celta Vigo, Sergio Ramos ayaa dib ugu soo laabtay shaxda Tababare Zinedine Zidane u diyaariyey inay u safraan Osasuna.

Zidane ayaa u yeeray 23 ciyaaryahan oo booqan doona Magaalada Pamplona, inkastoo Rodrygo iyo Dani Carvajal ayaa dhaawac iyo ganaax ku kala maqan yihiin sida ay u kala horreeyaan.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Real Madrid uga qeyb galaya kulanka Osasuna:-

Goolhaye: Courtois, Lunin, Altube.

Daafacyada: Militao, Sergio Ramos, Varane, Nacho, Marcelo, Odriozola, Mendy.

Khadka dhexe: Kroos, Modri, Casemiro, Valverde, Odegaard, Isco.

Weerarka: Hazard, Benzema, Asensio, Lucas Vazquez, Jovic, Vinicius, Mariano.