Real Madrid oo diyaar u ah inay iska fasaxdo SHAN ciyaaryahan si ay u hesho Pogba

0
235

Wakiilka Pogba ee Mino Raiola, ayaa dhawaan si cad u shaaciyay in la gaaray xilligii uu Paul Pogba ka tagi lahaa garoonka Old Trafford, xilli ciyaaryahanka reer France uu doonayo inuu ku biiro naadiga reer Spain Real Madrid.ama kooxdiisii hore ee Juventus.

Shabakada “Defensa Central” ee dalka Spain ayaa waxay shaaca ka qaaday maanta oo khamiis ah in ilo wareedyo ka tirsan kooxda ay xaqiijiyeen in Florentino Perez, madaxweynaha Real, uu doonayo inuu dhowr ciyaaryahan miiska u saaro Manchester, si ay u sameeyaan heshiis isdhaafsi ah uu ugu dhaqaaqayo Pogba garoonka Santiago Bernabéu.

Ciyaartoyda ay Real Madrid dooneyso inay u huraan saxiixa xiddiga qadka dhexe kooxda Manchester United ee Paul Pogba, waxaa ka mid ah Francisco Isco, Mariano Diaz, Álvaro Odriozola, Luka Jović, Dani Ceballos.