Maamulka deegaanka Degelama oo codsay in gacan laga siiyo tayaynta Waxbarashada deegaanka

0
249

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni) Dagalama waa mid kamid ah Deeganada Hoos yimaadda Magaalada Dhoobley ee Gobalka jubadda Hoose Deegaankan ayaa sanadadii danbe hormar ka sameynayay dhanka waxbarashada.

Guddoomiyaha Deegaankaasi Bishaar Sheekh ibraahim oo aan wareysi la yeelanay ayaa sheegay in Deegaanku leeyahay Dugsi Hoose, hadana ay qorshaha ugu jirto in ay so kordhiyaan Dugsi Dhaxe, Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in mararka qaar ay la so daristo caqabado ah in ay awoodi waayaan in ay dhaqaale siiyaan Macalimiinta ka howlgasha deegaankasi balse hada ay rajenayaan in ay dhaqale u heli doonaan Macalimiinta taasina ay kor u qaadi dontoo waxbarashada Deegaanka.

Xasan Maxamed Cabdullaahi ayaa Warbixintan faahfaahinaya