Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala maray 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Wolverhampton.
Daqiiqadii 27-aad kooxda Wolverhampton ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay xiddigooda Pedro Neto.
Laakiin daqiiqadii 30-aad kooxda Arsenal ayaa heshay goolka barbardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Gabriel, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Willian.
42 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Wolverhampton ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu gool qurux badan ka dhaliyay Daniel Podence, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-2.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Wolverhampton, kooxda Arsenal oo ay ku booqatay garoonkeeda Emirates.
SAWIRRO: