Daafaca Man United ee Luke Shaw oo muddo bil ah garoomada ka maqnaan doona & Lixda kulan ee uu seegi doono oo la ogaaday

0
282

Daafaca garabka bidix ayaa lagu bedelay Axel Tuanzebe daqiiqaddii 67-aad kaddib markii uu dhaawacmay, waxaana kooxdiisu ay haatan xaqiijisay inuu wajahayo afar todobaad oo uu garoomada ka maqnaan doono si uu uga soo kabsado dhaawacaas, wuxuuna kooxda ka maqnaan doonaa lix kulan.

Xiddiga reer England ayaa seegi doona kulamada West Brom, Southampton iyo West Ham ee tartanka Premier League, sidoo kalena waxa uu ka maqnaan doonaa saddexda kulan ee xaasaasiga ah ee Istanbul Basaksehi, Paris Saint-Germain iyo RB Leipizig.

Dhinaca kale Man United ayaa heli doonta Alex Telles kaddib fasaxa ciyaaraha caalamiga ah, saxiixa xagaaga ayaana seegay shantii kulan ee ugu dambeeyey oo ay kooxdu ciyaartay.

Telles ayaa saftay kulankiisii ugu horreeyey ee kooxda Man United ciyaartii ay guusha ka gaareen Paris Saint-Germain ka hor inta uusan haleelin Korona Fayras.