Xulka qaranka Argantina ayaa guul kaga gaaray dhigooda Bolivia 1-2, iyadoo labada gool ee xulka qaranka Tango ay u dhaliyeen xiddigaha kala ah Lautaro Martinez iyo Joaquin Correa.
Ciyaarta kaddid Lionel Messi ayaa wuxuu boggiisa Instagram-ka ku muujiyay sida weyn uu ugu faraxsan yahay guusha uu xulkiisa qaranka Argantina ka gaaray Bolivia, wuxuuna sheegay in ciyaartu ay aheyd mid aad u adag.
Inkastoo ay guul gaareen haddana Lionel Messi ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in howlgalkooda kulamada Isreeb-reebka koobka adduunka 2022 ay wali uga harsan tahay waddo dheer, isla markaana ay u tahay tani xulkiisa bilow oo kaliya.
Haddaba fariinta Lionel Messi uu ku soo qoray boggiisa Instagram-ka ayaa u dhigneyd sidan:
“Bandhig muuqda, isla markaana weyn oo garoonka dhexdiisa ah marwalbana wax badan ayaan bixinaa”.
“Wali horteena waxaa jira kulamo badan oo ka tirsan Isree-breebka koobka aduunka, arrinta hadda waa biloow”.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay guushan iyo in aan helno 6 dhibcood ilaa iyo hatan”.