Jariiradda The Mirror ayaa warianysa in Da’yartan hibada leh ee Fikayo Tomori iyo Billy Gilmour ay u badan tahay inay amaah ku tagi doonaan bisha Janaayo ee sanadka cusub si ay u raadsadaan koox ay ka helayaan inay si joogto ah ugu ciyaaraan.
Tomori ayaa la la xiriirinayey inuu amaah ugu dhaqaaqi doono midkood kooxaha Everton iyo West Ham United suuqii kala iibsiga ee la soo dhaafay kaddib markii uu kooxda Blues ku soo biiray Thiago Silva.
Dhinaca kale Billy Gilmour ayaa weli ka soo kabanaya qalliin looga sameeyey dhanka jilibka.