Xiisadda u dhaxeysa N’Golo Kante iyo Frank Lampard ayaa laga yaabaa in la arko xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska inuu ka tagayo Chelsea, maadaama ay u muuqato inuu ku riyoonayo u dhaqaaqista Real Madrid.
Warsidaha Le Parisien ayaa warinaya in Lampard uu diiday inuu Kante ka maqnaado tababarka si uu uga qeyb galo Arooska saaxiibkiis, go’aankaas oo uu 29-sano jirkaan ku dhibtooday inuu aqbalo.
Shabakaddan shacbiyadda badan ee Faransiiska ayaa sheeganeysa inuu Kante ku riyoodo inuu u dhaqaaqo garoonka Bernabeu, laakiin kooxda heysata La Liga ayaan weli wax xiiso ah u haynin xiddigii hore ee Naadiga Leicester City.
Kante wuxuu haystaa qandaraas ku eg ilaa dhammaadka sanadka 2023-ka, maamulkiisuna wuxuu rumeysan yahay inay u fududaan doonto xiddigan inuu sugo xagaaga soo aaddan.