Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si rasmi ah u dhammaystirtay saxiixa laacibka khadka dhexe ee Thomas Partey, kaasoo ay kala soo wareegeen kooxda Atletico Madrid, kaddib markii ay bixiyeen lacagtii lagu jabin karay qandaraaska xiddigan.
Gunners ayaa miiska u saartay kooxda Atletico Madrid qiimo lacageed dhan 50 milyan oo euro oo ah lacagta lagu burburinayey qandaraaska uu Thomas Partey uu ku joogay naadiga reer Spain.
Thomas Partey ayaa fariinta uu u diray jamaahiirta kooxda Arsenal wuxuu ku sheegay:
“Haye Dhalinyaro, aad baad ugu mahadsan tihiin jacaylka iyo fariimaha aan helay”.
“Ma sugi karo inaan qeyb ka noqdo, ma sugi karo inaan ku biiro kooxda”.
“Waxaan dareemayaa wax wanaagsan inaan ka mid noqdo qoys sidan oo kale ah”.
“ Aad baad ugu mahadsan tihiin qof walba jacaylkan, waxaan dareemayaa xushmad”.