Xaabada laga keeno meelaha ka baxsan magaalada Dhoobley oo qayb wayn ka qaadanaysa nolosha Bulshada

0
250

Dhoobley (Idaacadda Sanguuni) Dadka Soomaaliyeed ayaa ah kuwa inta badan Nolol Maalmeedkooda ka soo saarta waxyaabaha ay Xoogooda kula soo baxaan, dhawaan ayey aheyd markii Maamulka Degaanka Dhoobley uu Soo saaray Amaro lagu Mamnuucayo jirista Dhirta iyo Shidista Dhuxusha Taasi oo lagaga Hortagayo Nabaad guur ku yimada Degaanka.

Dhanka kale waxa jira dad nolol maalmedkooda iyo Ta qoysaskooda ka soo saarta Xaabada oo ay ka kenaan masaafo aad uga fog Magaalada Dhoobley iyago ku kaba noloshooda.

Daahir Ali Xasan waxa uu kamid yahay dadka xaabada keena Magaalada Dhoobely ee Gobalka Jubada Hoose waxa uu nooga warbixiyey meelaha uu ka keeno, waqtiga ay ku qaadato in uu xaabada keeno magaalada, isago sheegay in Habeen iyo Maalin in ka badan ay ku qaadato keenitaankeedu.

Xasan Maxamed Cabdullaahi ayaa warbixintan inooga diyaariyey