Chelsea vs Liverpool(Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulan weyn ee ka dhacaya garoonka Stamford Bridge)

0
183

(London) 20 Sebt 2020. Kooxaha waa weyn ee Chelsea iyo Liverpool ayaa isku qaban doona maanta kulan xiiso badan oo qeyb ka ah isbuucaan labaad xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League.

Kooxda horyaalka Ingiriiska difaacanaysa ee Liverpool ayaa booqan doonta garoonka Stamford Bridge maqribnimada maanta si ay ula ciyaarto kooxda ay xafiiltamaan ee Chelsea.

Labadaan kooxood ayaa guulo ku furtay horyaalka Premier League kal ciyaareedkan cusub ee 2020/21, Blue ayaa guul ka soo gaartay Brighton & Hove Albion, halka Liverpool ay guul dirqi ah ka soo qaadatay kooxda horyaalka u soo dhallacday ee Leeds United kulan todobo gool la iska dhaliyey.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Axad 20 Sebt 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 6:30 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Stamford Bridge

Garsooraha: Paul Tierney (England)

Wararka Kooxaha:-

Weeraryahanka Chelsea ee Timo Werner ayaa ka soo kabsaday dhaawicii lugta ee uu ku maqnaa markii uu rigoore u keenay kooxdiisa kulankii Brighton ee habeenkii Isniinta.

Kulankan ayaa aad hoosta uga soo galay Thiago Silva iyo Christian Pulisic, halka saxiixyada xagaaga ee Ben Chilwell iyo Hakim Ziyech ay sii maqnaan doonaan.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp waa inuu go’aansadaa inuu ka qeyb qaadanayo kulankan ciyaaryahan Thiago Alcantara kaddib imaatinkiisii 20 milyan oo gini ee Jimcihii.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

Fool-Ka-Fool

Liverpool ayaa barbareyn karta guusheedii ugu dheereyd ee isku xigta ee ay ka gaarto Chelsea Premier League – waana afar kulan oo ay ka adkaatay intii u dhaxeysay November 2010 iyo May 2012.

Reds ayaa badisay lix ka mid ah 12-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka oo ay ku ciyaareen garoonka Stamford Bridge, halka lixda kulan ee kalena ay heleen 3 barbaro iyo 3 guuldarro oo ay ku jiraan saddex ka mid ah shantii uu hoggaaminayay Jürgen Klopp.

Chelsea ayaa gurigeeda ku badisay 2-0 ciyaartii ugu dambeysay ee u dhaxeysay labadaan koox, kulankaasoo ka tirsanaa wareegga shanaad ee tartanka FA Cup-ka, kaasoo dhacay bishii Maarso.

Chelsea

Waxaa laga badiyay Blues kulankoodii furitaanka ee garoonkooda kaliya labo ka mid ah 28 xilli ciyaareed oo Premier League ah, waxaana ay kala ahaayeen 2-1 oo ay la ciyaareen Blackburn 1993 iyo 3-2 oo ay la ciyaareen Burnley 2017.

Chelsea ayaa guuldarro la’aan ah 13-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda kula ciyaartay kulammada horyaalka kooxda koobka difaacanaysa, waxaana ay ka haysataa 7 guul iyo 6 barbaro.

Blues ayaa ku dhammeysatay xilli ciyaareedkii hore lix guul oo isku xigta oo garoonkeeda ah, waxayna ku guuleysan kartaa 7 kulan oo isku xigta garoonka Stamford Bridge markii ugu horreysay tan iyo bishii December  sanadkii 2017.

Yeelkeede, waxaa laga badiyay siddeed kulan oo gurigooda ah tartammada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, waana heekoodii ugu badnaa tan iyo kal ciyaareedkii 1985-86.

Liverpool

Liverpool ayaa guuleysan karta labadeeda kulan ee ugu horreeya horyaalka saddex xilli ciyaareed oo xiriir ah markeedii ugu horreysay.

Tan iyo markii ay xaqiijiyeen ku guuleysiga horyaalka bishii June, Liverpool ayaa laga dhaliyay 15 gool 8 kulan oo ay ciyaareen. 15-kii gool ee hore oo horyaalka laga dhaliyay ayaan ku yimid muddo 23-kulan ah.

Reds ayaa dhigtay rikoor kooxeed oo ah 14 guul oo horyaalka ah oo ay ku soo gaartay meel ka baxsan garoonkeeda xilli ciyaareedkii hore.

Roberto Firmino iyo Trent Alexander-Arnold ayaa labadoodaba goolal minin iyo marti kaga dhaliyay Chelsea xilli ciyaareedkii hore horyaalka Premier League; ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee Liverpool ee goolal ka dhaliya Blues saddex kulan oo isku xigta oo horyaalka ah kulankaan wuxuu ahaa Ian Rush intii u dhaxeysay December 1989 ilaa October 1990.

Sadio Mane ayaa ku guuldarreystay inuu shabaqa soo taabto dhammaan shantii kulan ee Liverpool ay ku ciyaartay garoonka Stamford Bridge tartammada oo dhan.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.