Goorma ayay Kooxda Barcelona soo bandhigi doontaa saxiixeeda cusub ee Miralem Pjanic??

0
255

(Barcelona) 14 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciyaaryahankeeda cusub ee Miralem Pjanic ku soo bandhigi doonta garoonkeeda Camp Nou berri oo Talaado ah sida la shaaciyey goordhow.

Barcelona ayaa ciyaaryahankan kala soo wareegtay Kooxda Juventus, iyadoo uu qeyb ka ahaa heshiiskii uu Magaalada Turin ku aaddan Arthur Melo.

Laacibkan khadka dhexe ee reer Bosnia ayaa saxiixay heshiis afar sanadood ah, waxaana uu xiran doonaa maaliyadda lambarka 8-aad ee kooxda reer Catalonia.

Kaddib marka uu Talaadada yimaado garoonka Camp Nou oo la soo bandhigo, Pjanic ayaa markaa kaddib qaban doona shir jaraa’id, kaasoo uu kaga jawaabi doono su’aalaha Warbaahinta.

Soo bandhigista Pjanic ayaa noqon doonta tii saddexaad ee Barcelona ay sameyso xagaagan kaddib markii Pedri iyo Trincao ay kooxdu sidoo kale si rasmi ah u soo bandhigtay.

Gool FM.