Dibadbaxyo hareeyay doorashada dalka Tanzania, xilli ay socoto codbixinta

0
113

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dibadbaxyo ayaa ka qarxay magaalooyin badan oo ka tirsan Tanzania, iyada oo codbixinta doorashada guud ee dalkaasi ay weli socoto. Dhowr qof ayaa ku dhaawacmay Dar es Salaam, halkaas oo boolisku adeegsadeen gaaska indhaha ka ilmaysiiya si ay u kala eryaan dibad baxayaasha xiray waddooyinka.

Dadka mudaaharaadaya ayaa dab qabad siiyay waddooyin, iyaga oo sheegay inay muujinayaan carada ay ka qabaan hannaanka doorashada.

Eedo la xiriira carqaladaynta Internetka ayaa soo baxaya, iyada oo kooxda kormeerka NetBlocks ay sheegtay inay jirtay waayitaanka internetka guud ahaan dalka.

Madaxweyne Samia Suluhu Hassan oo ah hoggaamiyihii u horeeyay ee dumar ah dalka Tanzania ayaa mar kale u taagan xilka, waana markii u horaysay oo loo codeeyo doorasho madaxweyne. Laba musharax oo waaweyn oo mucaarad ah ayaa laga mamnuucay inay ka qayb galaan tartanka.