Masar iyo hay’adda laanqeeyrta cas oo ku biiray baadigoobka meydadka Qaza

0
44

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxo ka socda Masar iyo hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa loo oggolaaday inay raadiyaan meydadka la haystayaashii la qafaashay intii lagu jiray weerarradii 7-dii Oktoobar, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Israa’iil.

Xukuumadda Israa’iil ayaa sheegtay in kooxahan loo oggolaaday inay ka baaraan meel ka baxsan waxa loogu yeero “khadka jaalaha ah” ee aagga ay gacanta ku hayaan Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ee Gaza.

Dhinaca kale Axaddii, warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in xubnaha Xamaas sidoo kale loo oggolaaday inay galaan aagga ay IDF ka taliso ee Gaza si ay gacan uga geystaan ​​baaritaanka, iyadoo ay barbar socdaan kooxaha ICRC-da.

Xamaas ayaa soo wareejisay 15 ka mid ah 28 ka mid ah la haystayaasha Israa’iil ee ku dhintay wejiga koowaad ee heshiis xabbad-joojin ah oo uu Maraykanku gar-wadeen ka ahaa, kaas oo dhigaya inay soo wareejiyaan dhammaan maydadka la haysto.

Kooxda ayaa sheegtay in ay hadda la shaqaynayaan mas’uuliyiinta Masar.