El Clásico Ka Hor: Hal Meel Oo Ay Barcelona Kaga Awood Badan Tahay Real Madrid Oo La Shaaciyay

0
12

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegay in kooxda Hans Flick ay tahay kooxda ugu sareysa horyaalka La Liga marka loo eego goolasha madaxa lagu dhaliyo xilli ciyaareedkan. Barcelona ayaa 5 gool oo madax ah dhalisay 24-kii gool ee ay soo dhaliyeen 9-kii kulan ee ugu horreeyay, iyadoo boqolkiiba tahay 0.56%.

Goolasha madaxa waxaa u kala dhaliyay:

Robert Lewandowski (2 jeer)

Jules Koundé

Ronald Araújo

Raphinha

Dhanka kale, Real Madrid ayaa kaliya hal gool oo madax ah dhalisay, kaas oo uu dhaliyay Arda Güler, taasoo ka dhigaysa boqolkiiba 0.11% oo ka mid ah 20-kii gool ee ay dhaliyeen.

Inkasta oo Barcelona ay kaga sareyso Madrid dhinaca awoodda kubbadaha sare, haddana kooxda Catalonia waxay El Clásico u geli doontaa iyadoo ay ka maqan yihiin laba ka mid ah ciyaartoydeeda ugu awoodda badan hawada sare: Robert Lewandowski iyo Andreas Christensen. Jules Koundé ayaa la filayaa inuu kusoo bilowdo kulanka.

Dhinaca kale, Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkan 4 gool oo madax ah qasaarisay (Muriqi, Ita Eung, Lorient iyo Sörloth) kuwaas oo ka mid ah 9-kii gool ee laga dhaliyay, boqolkiiba waa 0.36%. Barcelona se weli lagama dhalin wax gool madax ah – inkastoo laga dhaliyay 10 gool guud ahaan.

Barcelona waxay leedahay awood muuqata oo ka sarreysa Madrid marka ay timaaddo kubbadaha hawada sare – balse dhaawacyada Lewandowski iyo Christensen ayaa noqon kara arrin saamayn ku yeelata El Clásico, halka Real Madrid ay isku dayi doonto inay ka faa’iidaysato maqnaashahaas.