Hugo Ekitike Oo Shaaciyay Sababta Ka Dambeysa Inuu Liverpool Si Dhaqsi Ah Ula Qabsado

0
13

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka Liverpool Hugo Ekitike ayaa la hadlay warbaahinta kaddib guushii 5-1 ee ay kooxdiisu ka gaartay Eintracht Frankfurt wareegga saddexaad ee Group yada Champions League, kulan ka dhacay Deutsche Bank Park.

Ekitike oo hore ugu ciyaari jiray Frankfurt ayaa yiri:

“Waxay ahayd dareen cajiib ah in aan halkan ku soo laabto, gurigaygii hore. Inaan halkaan ku guuleysto oo aan sidoo kale dhaliyo goolkii iigu horreeyay ee Champions League waa wax aad u muhiim ah. Waan deganahay.”

Markii la weydiiyay in markii ugu horreysay ay garoon wada galeen Alexander Isak, Ekitike wuxuu yiri:

“Waxaan u maleynayaa in ay ahayd bilow wanaagsan. Waan sii wanaajin karnaa wada ciyaarkeena, Isak waa ciyaaryahan weyn, waxaana u baahannahay inaan is fahanno si aan u samayno iskaashi fiican.”

Isagoo ka hadlay sababta uu si degdeg ah ula qabsaday kooxda, Ekitike wuxuu sheegay: “Waxaan leeyahay saaxiibo kooxeed oo heer sare ah iyo tababareyaal cajiib ah, waana jeclahay nolosha aan halkan ku leeyahay. Waxaan rajeynayaa inaan sidaas kusii wado, sababtoo ah kubadda cagtu waa joogteyn. Waxaan isu dareemayaa si fiican, waxayna ii caawiyeen si weyn — taasina waa sababta aan u deganahay oo aan ugu dadaalayo inaan wax walba siiyo kooxda.”