Trump oo cunaqabatayn kale ku soo rogay Ruushka, eedna u jeediyey Putin

0
11

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maraykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabatayn cusub oo lagu beegsanayo labada shirkadood ee saliidda ee ugu waaweyn Ruushka – Rosneft iyo Lukoil – si ay ugu cadaadiyaan Moscow inay ka xaajoodaan heshiis nabadeed oo laga gaaro dagaalka Ukraine.

“Mar kasta oo aan la hadlo Vladimir, waxaan la yeeshaa wada-hadallo wanaagsan, ka dibna meelna ma gaaraan ayuu yiri madaxweyne Donald Trump, ka dib markii uu la kulmay xoghayaha guud ee Nato Mark Rutte oo ay ka wada hadleen qorshaha nabadda.

Ku dhawaaqista cunaqabataynta ayaa timid hal maalin kadib markii Trump uu sheegay in kulanka la qorsheeyay in uu Budapest kula yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu baaqan doono muddo aan la cayimin.

Trump ayaa ku dhaleeceeyay Putin inaysan dhab ka ahayn nabadda, wuxuuna sheegay inuu rajaynayo in cunaqabatayntu ay gacan ka gaysato in horumar laga gaaro qorshaha nabadda.

Wuxuu ugu yeeray cunaqabateynta “mid aad u weyn”, wuxuuna intaa ku daray inuu rajaynayo in si degdeg ah looga qaado haddii Ruushka uu ogolaado inuu joojiyo dagaalka.