Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Lamine Yamal iyo ciyaartoy dhowaan dhaawac kaga soo laabtay kooxda ay door weyn ka ciyaari doonaan kulanka adag ee El Clásico ee ka dhanka ah Real Madrid.
“Waxaan aaminsanahay inaan awood u leenahay inaan garaacno Real Madrid,” ayuu Flick ku sheegay shir jaraa’id kaddib markii ay kooxdiisu 6-1 ku xaaqday Olympiacos tartanka Champions League.
Macallinka reer Jarmal ayaa raaciyay:
“Koox fiican ayaan leenahay, laba ciyaaryahan ayaa soo laaban doona. Guushan maanta waxay na siisay kalsooni weyn.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Lamine Yamal wax dhibaato ah ma qabo. Isaga iyo annagaba guusha maanta aad bay noogu muhiim tahay. Waxaan hubaa inaan arki doono Lamine Yamal oo ka duwan sidan Axadda. Wuxuu had iyo jeer muuqdaa marka ay timaado ciyaaraha waaweyn.”
Barcelona ayaa wajahaysa Real Madrid kulanka El Clásico, iyadoo guul ay ka gaarta Real kula wareegi doonto hoggaanka La Liga.