Arne Slot Oo Bannaanka Keenay Sababta Ka Dambeysa Guuldarradii Kooxdiisa Kasoo Gaartay Man United

0
11

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa qirtay in ay aad ugu adkayd kooxdiisa inay la ciyaarto Manchester United oo difaac hoose ku ciyaaraysay.

Slot ayaa hadalkan ka sheegay barnaamijka Match of the Day kaddib guuldarradii 2-1 ee ay Reds kala kulantay United Axaddii.

Manchester United ayaa goolka hore dhalisay daqiiqaddii koowaad ee ciyaarta, waxaana shabaqa soo taabtay Bryan Mbeumo. Inkastoo Cody Gakpo uu barbareeyay qeybtii labaad, haddana kooxda martida waxay heleen guusha markii uu Harry Maguire madax ku dhaliyay goolka labaad.

Natiijadan ayaa Liverpool ka dhigtay afar dhibcood ka hoos marto hogaamiyayaasha Arsenal kaddib siddeed kulan oo Premier League ah.

Slot ayaa yiri:“Mar walba way adag tahay markaad la ciyaareyso koox difaac hoose samaynaysa oo inta badan kubbadaha dhaa-dheer isticmaaleysa.

“Waxay sii adkaataa marka aad hal gool hoos uga dhacdo daqiiqaddii ugu horreysay, iyadoo mid ka mid ah ciyaartoydeennu dhulka yaallo.”