Carragher oo Si Lama Filaan Ah U Sheegay In Salah Keydka La Dhigo — Sababta Ayuu Sharaxay

0
10

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kabtankii hore ee Liverpool Jamie Carragher ayaa kula taliyay Arne Slot, in uu kursiga keydka geliyo Mohamed Salah labada kulan ee soo socda.

Carragher ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii Liverpool ay 2-1 guuldarro ah kala kulanray Manchester United kulankii Premier League ee Axaddii, taasoo ahayd guuldarradii afraad oo xiriir ah ee Reds ay la kulanto tartamada oo dhan.

Carragher ayaa aaminsan in qaab ciyaareedka liita ee Salah uu qayb ka yahay dhibaatooyinka kooxda haysta.

Kooxda Slot ayaa la ciyaari doonta Eintracht Frankfurt kulanka Champions League ee usbuuca dhexe, ka hor inta aysan u safrin si ay ula ciyaaraan Brentford horyaalka Premier League.

Carragher oo la hadlay Sky Sports ayaa yiri:

“Liverpool waxaa horyaalla laba kulan oo marti ah – mid Champions League ah oo Frankfurt ah iyo mid kale oo Brentford. Anigu ma filayo in Salah uu kusoo bilowdo labadaas kulan.”

Wuxuu sii raaciyay:“Wuxuu mar walba ku bilaaban karaa Anfield sababtoo ah halkaas Liverpool ayaa badanaa xukunta ciyaarta, wuxuu ku dhowaan karaa goolka, waana inta badan halka uu goolal ku dhaliyo. Laakiin kulamada dibadda iyo marka aad u baahan tahay inuu caawiyo daafaca garabka, ma rumeysni in Salah uu hadda u qalmo inuu ciyaaro kulan kasta, gaar ahaan kulamada banaanka, marka la eego qaabkiisa hadda.”