Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dadweyne aad u fara badan ayaa ka qeyb qaatay mudaaharaadyada “Maya Boqorro” oo looga soo horjeedo siyaasadaha Madaxweyne Donald Trump ee ka dhacay magaalooyinka Mareykanka, sida New York, Washington DC, Chicago, Miami iyo Los Angeles.
Kumannaan kun ayaa soo buux dhaafiyay fagaaraha caanka ah ee Times Square ee magaalada New York iyo waddooyinka hareeraheeda, iyadoo dadku ay siteen boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ay ka mid yihiin “Dimuqraadiyad ma aha Boqortooyada” iyo “Dastuurku maaha mid ikhtiyaari ah”.
Kahor mudaaharaadyada, xulafada Trump waxay ku eedeeyeen mudaaharaadayaasha inay xiriir la leeyihiin dhaqdhaqaaqa bidix ee Antifa, waxayna cambaareeyeen waxa ay ugu yeereen ” isu soo baxa nacaybka Mareykanka”.
Dhowr gobol oo Maraykan ah ayaa abaabulay Ilaalada Qaranka. Laakiin qabanqaabiyeyaasha ayaa sheegay in dibadbaxa, oo ay ka soo qayb galeen ku dhawaad toddobo milyan oo qof, ay ahaayeen kuwo nabad ah.






