Igiriiska oo shuruudo ku xiray soogalootiga si ay uga shaqeeystaan dalka

0
14

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qaar ka mid ah muhaajiriinta imaanaya UK ayaa laga doonayaa inay ku hadlaan Ingiriisi heer A-level ah iyadoo la raacayo xeerar cusub oo adag oo ay dowladdu damacsan tahay inay soo rogto.

Isbeddelladan, oo dhaqan geli doona laga bilaabo 8-da Janaayo 2026, waxay saameyn doonaan qaar ka mid ah dadka jaamacadaha ka baxay iyo kuwa codsanaya fiisaha shaqaalaha xirfadlayaasha ah ee ay doonayaan shirkaddaha koraya.

xeerarkaan cusubi waxay qayb ka yahiin qorshe balaadhan oo dowladdu ingiriisku ku dhimayso dadka wadankeeda soo galaya.

Xeerarkan cusub waxay qeyb ka yihiin qorshayaal ballaaran oo lagu dhimayo heerka socdaalka ee UK, kuwaas oo lagu soo bandhigay warqad bishii Maajo.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Shabana Mahmood, ayaa tirii: “Haddii aad timaaddo dalkan, waa inaad barataa afkayaga oo aad ka qaadataa kaalintaada.”