Amorim oo Maamulka United Ka Codsaday In Loo Keeno Daafac Inter Laf-dhabar U Ah!

0
217

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shabakadda Interlive ayaa sheegtay in tababaraha Manchester United, Rúben Amorim, uu codsaday in maamulka kooxda ay la saxiixdaan daafaca bidix ee reer Italy Federico Dimarco, oo ka tirsan Inter Milan, xilli ciyaareedka soo socda.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in xiisaha ay Manchester United u qabto ciyaaryahanka uu caqabad ku noqday wadahadalladii qandaraaska cusub ee uu Inter kula jiray Dimarco, kuwaas oo weli aan la dhammaystirin inkastoo kooxda reer Talyaani ay doonayso inay sii haysato muddo dheer.

Qandaraaska Dimarco ee hadda jira ayaa dhacaya xagaaga 2027, waxaana lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay tiirarka ugu muhiimsan ee kooxda Inter, kaddib bandhigyo heer sare ah oo joogto ah xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay — taas oo keentay in kooxo waaweyn oo reer Yurub ahi ay indhaha ku hayaan.

Daafaca bidix ayaa ilaa hadda u saftay Inter 198 kulan tartamada oo dhan isagoo dhaliyay 20 gool isla markaana bixiyay 37 caawin, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah difaacyada ugu halista badan ee kubbadda casriga ah ee Yurub.