Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeygii hore ee Manchester United, Roy Keane, ayaa si adag u dhaliilay go’aankii kooxdaasi kaga hartay tartanka FA Cup sanadkii 2000, isagoo sheegay inay ahayd arrin “ay tahay in si dhab ah looga xishoodo.”
Manchester United ayaa sanadkaan aqbashay dalab ka yimid FA (Ururka Kubadda Cagta England) si ay uga tanaasulaan FA Cup, si ay uga qeyb galaan tartankii cusbaa ee loo yaqaanay World Team Championship, oo hadda loo yaqaan Club World Cup.
Go’aankaas ayaa la sheegay inuu qayb ka ahaa dadaal lagu taageerayo codsiga England ee martigelinta Koobka Adduunka 2006, inkastoo arrintaasi ay dhalisay caro iyo dhaleeceyn ballaaran oo ka timid taageerayaasha iyo warbaahinta.
Chelsea ayaa ugu dambeyntii ku guuleysatay FA Cup sanadkaa, kadib markii ay garaaceen Aston Villa ciyaartii final-ka.
Keane, oo markaas ahaa kabtanka Manchester United, ayaa sheegay:
“Marka aad dib u fiiriso, waa arrin aan ka xishoon karno. Waa waalli in koox weyn sida United ay isaga baxdo FA Cup. Inkastoo go’aanka aanu annagu gaarin, haddana ciyaartoy ahaan waan aqbalnay, taasna waxay ahayd qalad weyn.”
Gary Neville, oo isna la hadlayey barnaamijka The Stick to Football, ayaa xusay:
“Hal shay oo fiicnaa waqtigii hore waa FA Cup. Tartankaas wuxuu lahaa sixir gaar ah.”
Keane ayaa ku jawaabay:
“Runtii, sanadihii u dambeeyay waxaa soo noqday sixirkii FA Cup. Laakiin markaad xasuusato inaan annagu iskaga baxnay tartankaas — waa arrin waalli ah. Waa inaan ka xishoodnaa.”
Roy Keane ayaa afar jeer ku guuleystay FA Cup xilligii uu ka tirsanaa Manchester United.