Tababaraha Jarmalka oo Bannaanka Keenay Sababta Rasmiga Ah Ee Uusan Wirtz Weli Wax Gool Ah Ugu Dhalin Liverpool

0
47

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Macallinka xulka Germany, Julian Nagelsmann, ayaa sheegay in tirakoobyada muujinaya in Florian Wirtz uusan wax goolal ama caawino ah ka sameyn Premier League tan iyo markii uu ku biiray Liverpool aysan sheegeynin runta oo dhan.

“Xitaa haddii uusan dhalin gool, waa ciyaaryahanka abuuray fursadaha ugu badan ee Premier League,” ayuu Nagelsmann u sheegay SPORT1.

“Ma aha khaladkiisa haddii saaxiibadiis aanay ka faa’iideysan fursadahaas — tirakoobkuna ma muujinayo xitaa saddex meelood meel xaqiiqda dhabta ah.

Wuxuu uun u baahan yahay inuu la qabsado horyaalka. Waan arkay isagoo xor ah oo kalsooni buuxda leh, wuu garanayaa waxa uu karo iyo sida ay wax u socdaan.”

Sida laga soo xigtay Opta, ma jiro ciyaaryahan abuuray fursado ka badan Wirtz (21 fursadood) toddobadii kulan ee ugu horreeyay ee Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaal kala duwan ayaa si kala duwan u fahma ereyga “fursad abuuris,” halka xaqiiqadu tahay in Wirtz weli uusan dhalin gool ama caawin midna tartankan.