Alessandro Nesta oo Magacaabay Daafaca Ugu Fiican Kubadda Cagta Wakhti Xaadirkan.

0
45

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeygii hore ee AC Milan iyo xulka Italy, Alessandro Nesta, ayaa ammaan weyn u jeediyay daafaca dhexe ee Liverpool Virgil van Dijk, isagoo ku tilmaamay kan ugu fiican booskiisa waqtigan.

“Aniga ahaan, hadda Van Dijk waa kan ugu fiican,” ayuu yiri Nesta, oo isaguna ka mid ahaa daafacyadii ugu wanaagsanaa jiilkiisii.

“Wuxuu sanad kasta soo bandhigaa heer ciyaareed isku mid ah.

Wuxuu ka ciyaaraa Premier League, taas oo ah horyaalka ugu weyn uguna adag adduunka, sidaas darteed, aniga ahaan waa kan ugu fiican.”

Van Dijk ayaa si joogto ah loogu tiriyaa daafacyada ugu sarreeya ee jiilkiisa, inkasta oo taasi sidoo kale keento in qaladaadkiisa loo falanqeeyo si aad ah marka la barbardhigo ciyaartoyda kale.