Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddigii hore ee xulka Belgium, Eden Hazard, ayaa wareysi uu siiyay So Foot kaga hadlay ku guuleysiga Ousmane Dembele ee abaalmarinta Ballon d’Or, taas oo lagu bixiyay Théâtre du Châtelet magaalada Paris 22-kii Sebteembar.
Hazard ayaa sheegay in weeraryahanka Paris Saint-Germain uu si buuxda ugu qalmo abaalmarinta, balse sidoo kale wuxuu ammaan kala dul dhacay xiddiga da’da yar ee Lamine Yamal ee Barcelona.
“Waan ku faraxsanahay waxa Ousmane Dembele gaaray, wuu u qalmaa Ballon d’Or-kiisa,” ayuu yiri Hazard.
“Laakiin Lamine Yamal, waxa uu qabanayo da’diisa waa wax runtii la yaab leh.”
Hazard ayaa sii raaciyay: “Caadi ahaan, waxtarka iyo dhammaystirku waxay yimaadaan marka ciyaaryahanku khibrad yeesho. Halkan, waxaad dareemaysaa inuu wax walba si qumman u sameeyo. Sida Kylian [Mbappé] ama Desire Doué dhawaanahan ay ku socdaan, waxay u muuqdaan kuwo aad u fiican — xitaa si aan caadi ahayn — iyadoo ay da’doodu weli yar tahay.”