Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Warbixin ay daabacday Mundo Deportivo ayaa sheegtay in Trent Alexander-Arnold iyo Dani Carvajal la filayo inay dib ugu soo laabtaan kulanka weyn ee El Clásico ee ugu horreeya xilli ciyaareedkan.
Kooxda Real Madrid ayaa ku martigelin doonta Barcelona garoonka Santiago Bernabéu in ka badan laba toddobaad gudahood, waxaana helitaanka labada daafac midig ee caanka ah loo arkaa kordhin weyn oo niyad ah oo u soo hoyatay kooxda uu hoggaamiyo Xabi Alonso, oo horeba loogu tixgelinayo inay tahay kooxda fursadda badan leh.
Labada ciyaaryahan ayaa dhaawacyo ku maqnaa toddobaadyadii la soo dhaafay, taasoo keentay in Federico Valverde iyo Raúl Asencio ay buuxiyaan booska daafaca midig.
Si kastaba ha ahaatee, ilo ku dhow kooxda ayaa sheegaya in soo kabashadooda ay si wanaagsan u socoto, isla markaana labadooduba ay rajeynayaan inay diyaar noqdaan ka hor kulanka weyn.
Trent Alexander-Arnold ayaa dhaawac muruqa bowdada ah ka soo gaaray kulankii ay Real la ciyaareen Marseille bartamihii Sebtembar, waxaana markii hore la filayay inuu maqnaado lix ilaa siddeed toddobaad. Hase yeeshee, difaaca reer England ayaa horumar ka sameeyay soo kabashadiisa, waxaana suurtagal ah inuu kasoo muuqdo kulamada Getafe ama Juventus ka hor El Clásico.
Dhanka kale, Carvajal ayaa dhaawac soo gaaray intii lagu guda jiray Madrid derby labo toddobaad ka hor, waxaana loo qiyaasay inuu maqnaan doono saddex ilaa afar toddobaad. Daafaca khibradda leh ayaa si adag uga shaqeynaya inuu diyaar noqdo waqtigiisa, iyadoo shaqaalaha caafimaadka Madrid ay muujiyeen rajada in uu diyaar noqdo marka la gaaro kulanka Barcelona.






