Real Madrid Oo Go’aan Adag Kasoo Saartay Mustaqbalka Arda Güler.

0
27

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Warbixino ayaa sheegaya in kooxda Real Madrid ay go’aansatay inay diido dalab kasta oo uga yimaada Arsenal iyo Newcastle United si ay u helaan xiddiga reer Turkiga Arda Güler, kaddib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah oo uu ku qanciyay tababare Xabi Alonso.

Sida uu qoray wargeyska Ingiriiska ee Football Insider, maamulka Real Madrid ayaa si buuxda u aaminsan kartida Güler, waxayna u arkaan inuu yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah mashruuca mustaqbalka ee kooxda, kaddib markii uu si joogto ah u xaqiijiyay booskiisa safka hore.

Güler ayaa noqday ciyaaryahan muhiim ah oo ka tirsan kooxda boqortooyada xilli ciyaareedkan, gaar ahaan tan iyo markii uu xilka la wareegay tababaraha cusub Xabi Alonso.

Xiddigan 19-jirka ah ayaa ciyaaray 10 kulan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay 3 gool isla markaana caawiyay 4 gool oo kale.