Taageerayaasha Real Madrid Oo Dusha Ka Saaray Mas’uuliyadda Guuldarradii Atletico Madrid Hal Shaqsi

0
170

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guuldarro culus oo 5-2 ah oo Real Madrid kala kulantay deriskooda Atletico Madrid ayaa dhalisay dood ballaaran oo dhex martay taageerayaasha, iyadoo tababare Xabi Alonso inta badan eedda dusha laga saaray.

Sida uu sheegay El Chiringuito TV, codbixin la sameeyay kadib ciyaarta ayaa muujisay in 52.3% taageerayaasha ay u arkeen Alonso inuu masuul ka ahaa natiijada, halka 47.7% ay rumeysnaayeen in ciyaartoydu iyaga laftooda ahaayeen kuwa ugu weyn ee lagu eedeeyo bandhigga liitay ee Metropolitano.

Derbigan ayaa noqday dharbaaxo culus oo ku dhacday Madrid, kuwaas oo si wanaagsan ku billowday xilli-ciyaareedka. Inkastoo Alonso lagu amaanay shaqadiisa tan iyo markii uu xilka la wareegay, haddana guuldarradan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan doorashooyinka uu sameeyo marka la eego safkiisa.

Taageerayaashu waxay indhaha ku hayaan sida tababaraha iyo ciyaartoydu uga jawaabi doonaan cadaadiskan cusub, iyadoo imtixaanka xiga uu yahay kulan Champions League ah oo ay wajahayaan kooxda Kairat oo loo arko mid sahlan.