Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa ka qeyb galay kulan dadweyne oo bulshada degmada Dayniile looga talo-gelinayay Dastuurka Dalka.
Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen Hay’adaha u xilsaaran dibu eegista Dastuurka ee kala ah Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Gudiga madaxa banaan ee dibu eegista Dastuurka iyo gudiga la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa looga hadlayay in dhamaan Shacabka ku nool Gobalka Banaadir la gaadhsiiyo in laga qeyb galiyo sidii ay fikrado ugu darsan lahaayeen dibu eegista Dastuurka Dalka.
Naxwo Axmed Kadiye.ayaa kawarameysa






