Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cambaareyn dusha uga tuuray ururka Qaramada Midoobey oo uu sheegay in uu ka bayray ujeeddooyinkii loo abuuray, islamarkaana uu farahaha la galay arrimo aan sida uu sheegay dhalanteed ah.
Madaxweyne Trump oo ka hadlayey sababihii loo dhisay QM ayaa sheegay in markii hore ururka loo abuuray ilaalinta nabadda adduunka iyo ka hortagga dagaallada, balse labadaba uu ka gaabiyey.
Trump ka hadlayey sannadlaha ah ee Golaha Guud ee Q.M. uga socda magaalada New York, ayaa dhanka kale dafiray jiritaanka isbeddelka cimilada iyo halista ay dunida ku hayso oo uu ku tilmaamay mashruuc qalin-shubatonimo.
Donald Trump oo ka hadlayey fashilaadda Golaha Ammaanka ka haysata ilaalinta nabadda iyo xasilloonida dunida, ayaa tibaaxay in golaha ay ka dhex jirto xarig-jiid siyaasadeed oo ragaadiyey hawlaha Qaramada Midoobey.