Rodri Oo U Digay Kooxaha Arsenal Iyo Liverpool.

0
44

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga khadka dhexe ee Manchester City, Rodri ayaa ka digay kooxaha Liverpool iyo Arsenal in ay iska yareystaan awoodda kooxdiisa xilli ciyaareedkan, inkasta oo uu qirtay in labadaas kooxood ay yihiin kuwa ugu cadcad ku guuleysiga horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Rodri ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay majaladda British-ka ah ee Metro fiidnimadii Axadda, wuxuuna yiri:

“Waxaan u maleynayaa in Arsenal iyo Liverpool ay yihiin kuwa ugu cadcad hanashada horyaalka, waxay horey u muujiyeen wax badan, laakiin waxaan aaminsanahay inaysan garanaynin awooddeenna dhabta ah.”

Wuxuu Rodri hadalkiisa ku daray:

“Sidaas darteed, waxaan u arkaa in ayaga oo sidaas moodaya ay noo tahay faa’iido, annaga ahaan koox ahaan. Dabcan waxaan dooneynaa inaan sare u qaadno heerkeena si ugu wanaagsan ee suurtagalka ah, waxaana dib u dhigeynaa hadalka ku saabsan hanashada horyaalka ilaa bisha February ama March.”