Trump iyo Musk oo isku gacan qaaday xuskii Charlie Kirki

0
41

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tobannaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay garoonka ciyaaraha State Farm Stadium ee magaalada Glendale, gobolka Arizona ee dalka Mareykanka si ay uga qaybgalaan munaasibad loogu baroordiiqayey Charlie Kirk oo todobaad ka hor ladiley.

Xuska Charlie Kirk ayaa kulmiyey madaxda ugu sarreysa dowladda Mareykanka iyo dad caan ah oo ka tirsan ama xiriir la leh Xisbiga talada haya ee jamhuuriga, sida madaxweyne Donald Trump, Ku-xigeenkiisa JD Vance, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Marco Rubio, iyo Xoghayaha Caafimaadka Robert F. Kennedy Jr iyo qaar kale.

Waxaa xusid mudan in ay masraxa tacsida isku arkeen Madaxweyne Trump iyo maalqabeenka Elon Musk oo ka mid ah dadka soo dhisay Trump, balse ay dhawaan siyaasadda ku kala irdhoobeen.

Waxaa la arkayey Trump iyo Musk oo u muuqday in ay colaaddii ka dhexeysey meel iska dhigeen, ka dibna isgacan qaadaya si qiiro ku dheehan tahay.

Labada nin oo dhanka ganacsiga ka soo galay siyaasadda, ayaa si weyn uga wadashaqeeyey in Trump ku soo laabto kursiga, ka dibna wuxuu Musk ugu abaalguday xil cusub oo ah wasaaradda hufnaanta iyo hawl-wanaagga.

Elon Musk ayaa waxaa ololahii Trumpn ka soo gaarey dakanooyin dhaawac u geystey ganacsigiisi, gaar ahaan shirkaddiisa gawaarida sameysa ee Tesla oo suuq-madoobaad soo foodsaaray, taasina waxay ku khasabtay in uu xilka ka dego, isagoo madaxweynaha ku eedeeyey in uusan ka helin taageeridii uu ka filayey, maadaama guushiisu ay salfatay sumcadda gancsigiisa. Illaa wixii xilligaas ka dambeeyeyna labada nin fool-ka-fool iskuma arkin. lamana oga in ay xiriirkoodi soo celiyeen iyo in kale.