Muxuu Bruno Fernandes Ka Yiri Guushii Dirqiga Aheyd Ay Kooxdiisa Ka Gaartay Chelsea?

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga Manchester United Bruno Fernandes ayaa la hadlay warbaahinta kadib guushii 2-1 ay kooxdiisu ka gaartay Chelsea kulankii shanaad ee Premier League.

Kabtanka Red Devils ayaa yiri:

“Dhibcaha saddexda ah mar kasta waa muhiim, waxaana u ciyaarnay si heer sare ah si aan isu muujinno kulanka xiga. sidaas darteed ciyaarta soo socota iyaduna waa muhiim.”

Isagoo ka hadlayay gaarista 100 gool oo uu u dhaliyay United, Fernandes wuxuu raaciyay:

“Gool walba waa muhiim, waqtiga aan dhaliyaba. Inaan gaaro guushan anigoo u ciyaaraya naadi sharaf leh waa waqti muhiim ii ah, taasna ma qarinayo. Haddii aan dhalin karo goolal kale si aan kooxda u caawiyo, waa arrin aan ku dadaali doono.”

Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay:

“Ka hor kaadhkii casaa ee Casemiro, waxaan ku jirnay horumar kadib markii goolhayahooda ciyaarta laga saaray. Waxaan si heersare ah u difaacannay goolashii aan la hormarnay, xitaa markaan hal gool qasaarnay, ugu dambeyn waxaan helnay natiijadii aan rajeynaynay.”