Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa Talaadadii shalay ku soo oogtay nin dacwad iydaoo lagu eedeeyay inuu ka ganacsanayay geesaha wiyisha oo qiimahoodu dhan yahay 8.2 milyan oo shilinka Kenya ah una dhiganta 63,000 oo dollar, sagaal sano kaddib markii lagu eedeeyay ka ganacsiga foolka Maroodiga.
Feysal Maxamed Cali iyo Maxamed Xasan oo ay wada socdeen ayaa lagu xiray magaalada dekedda leh ee Mombasa bishii hore.Talaadadii, labadooduba waxay sheegeen in aanay wax danbi ah gelin oo la xiriira duurjoogta dabar go’aysa.
Faysal waxaa lagu sii daayay racfaan sanadkii 2018, kadib markii xukun lagu riday iyadoo loo haystay ka gancsiga foolka maroodiga.Booliiska ayaa ku eedeeyay inuu ku lug lahaa shabakad ugaarsi caalami ah oo lala xiriiriyay qabashada 120 fool maroodi.






