Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Warbixin uu qoray Daily Mail ayaa sheegaysa in Manchester United ay ku qasban tahay inay bixiso £12 milyan haddii ay shaqada ka cayriyaan tababare Ruben Amorim ka hor inta uusan dhammaanin sannadkii ugu horreeyay ee heshiiskiisa, oo ku beegan 1-da November.
Tababaraha reer Portugal ayaa sannadkii hore kaga soo biiray United kooxda Sporting Lisbon, isagoo saxiixay heshiis labo sano iyo bar ah oo uu sanadkii ku qaadanayo £6.5 milyan.
United ayaa ku jirta bilowgii ugu liitay horyaalka Premier League muddo 33 sano ah, balse guddiga maamulku wali waxay taageero u muujiyeen Amorim. Inkasta oo natiijooyinkiisa liitaan, haddana maamulka ayaa aaminsan in tirakoobyada hoose ay muujinayaan horumar.
Amorim hore ayuu u sheegay in uu isaga tegi doono shaqada iyadoo aan magdhow la siin haddii loo arko inuusan ku habboonayn, balse hadda taasi uma muuqato mid aan suuragal ahayn. Shaqaalaha tababarka ee Amorim ayaa sidoo kale heli doona magdhow haddii xilli hore la cayriyo.
Kooxda Manchester United ayaa hore u bixisay in ka badan £54 milyan oo magdhow ah oo la siiyay tababarayaashii shaqada laga ceyriyay tan iyo markii uu Sir Alex Ferguson ka fariistay shaqada.






