Fermin Lopez Iyo Dani Olmo Oo Ku Kala Adkaaday Booska Lambarka 10-aad Ee Barcelona

0
52

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Fermín López ayaa sii adkeeyay sababta uu ugu qalmo booska lambarka 10-aad ee Barcelona, kadib markii uu labo jeer shabaqa soo taabtay guushii 6-0 ee ay kooxdiisu ka gaartay Valencia.

Xiddiga khadka dhexe ayaa ciyaarta ku bilowday safka hore, wuxuuna si weyn uga yaabsaday tababare Hansi Flick.

Warbixinno ka soo baxay Spain, oo ay soo xigatay Diario Sport, ayaa sheegaya in Fermín uu hadda kaga horreeyo Dani Olmo tartanka booskaas muhiimka ah.

Olmo, oo xilli ciyaareedkii hore aad uga sarreeyay Fermín, weli ma uusan soo bandhigin saameyn dhanka gooldhalinta iyo hal-abuurka ah xilli ciyaareedkan kadib afar kulan.

Dhanka kale, Fermín ayaa loo arkaa ciyaaryahan si dabiici ah ugu dhow gooldhalinta, taasna si cad ayuu u muujiyay xilli ciyaareedkan.

Kobaca 21-jirkan ayaa sii socday kadib xilli ciyaareed hore oo bandhig fiican ah iyo masuuliyad sii kordhaysa oo uu ku leeyahay kooxda Flick.